DUBAI (DAYNIILE.COM)-Dowlada Carbeed ee Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay 11 maalin kadib waxay ka hadleen aqoonsiga israa’iil ee Maamulka Somaliland 26-kii bishaan taasoo dunida oo dhan ay ka soo horjeesatay.
War ka soo baxay Wasaarada arimaha Dibada Imaaraadka Carabta ayaa goor dhaw lagu shaaciyay inay ka soo hor jeedaan aqoonsi ku sheega islamarkaana ay difaacayaan qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya;
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta UAE waxay xuseen in inay ixtiraameyaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa wali ka hadlin aqoonsiga Israa’iil Dalalka Soomaaliya dariska la ah ee Kenya iyo Itoobiya walow Itoobiya wararka qaar sheegayaan inay ka soo horjeesteen aqoonsiga, Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu si cad u sheegay inuu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya, islamarkana aysan diyaar u ahayn taageerida kala go’a Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
