Mashruuca Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in 17% cuntada ay isticmaalan macaamiisha dukaannada iyo maqaayadaha ay si toos ah u galaan qashinka.

Qiyaastii 60% qashinkaas waa mid ka yimaada guryaha.

Tan iyo markii ay xayiraadaha la xiriirta Covid-19 bilawdeen, waxaa yaraaday cuntooyinkii qashinka lagu dari jiray.

 

Hay’adda samafalka ee Wrap, oo ah hay’adda ay Qaramada Midoobay isla soo saareen warbixintan, ayaa sheegtay in dadka ay si taxaddar leh u qorsheynayeen adeeggooda iyo cuntadooda.

’23 milyan oo gawaari cunto ah’

Richard Swannell oo ka tirsan Wrap ayaa u sheegay BBC-da in warbixinta ay soo bandhigtay dhibaato caalami ah oo “aad uga weyn sidii hore loo qiyaasayay”.

“923 milyan oo tan oo cunno ah oo la khasaariyo sannad kasta, waxay buuxin kartaa 23 milyan oo gaari.”

 

Waa arrin hore loogu tilmaamay inay dhibaato gaar ah u tahay waddamada hormaray, sababta waxay tahay in dadka ay si fudud u iibsan karaan cunto ka badan waxa ay cuni karaan, laakiin baaritaankan ​​ayaa lagu sheegay in “cunto soo hartay oo aad u badan, meel kasta lagu tuuray”.

Waxa jira farqi u dhexeeya natiijooyinka oo muujin kara sida baaxadda dhibaatadu ay u kala duwan tahay marka la is barbardhigo waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhaqaalaha haysta. Warbixinta, tusaale ahaan, ma kala saari karin.

Xogta lagu kala saarayo qashinka cuntada la cuni karo iyo qeybaha aan la cuni karin, sida lafaha iyo qolfoofta kale, waxaa keliya oo laga heli jiray wadamada dakhligoodu sarreeyo. Sida ay sheegtay Ms Otto, Wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, waxay u badan tahay in ay luminayaan cunno aad u yar.

 

waxay intaa ku dartay in natiijada ugu dambeysa, ay ahayd in adduunku “uu iska burburinayo dhammaan ilihii loo isticmaali jiray in lagu sameeyo cuntadaas”.

Agaasimaha fulinta ee UNEP, Inger Andersen, ayaa ku adkeysanaysa in wadamada ay ka go’an tahay dadaalka lagu yaraynayo kalabar qashinkan. marka la gaaro sannadka 2030.

“Haddii aan rabno in aan si dhab ah wax uga qabanno isbeddelka cimilada, wasakheynta deegaanka iyo qashinka, waa in ay ganacsiyada, dawladaha iyo muwaadiniinta dunida oo dhan ay qaybtooda ka qaataan sidii loo yareyn lahaa cuntada la qasaarinayo,” ayay tiri.

Richard Swannell ayaa tilmaamay in “Cuntada la khasaariyey ayaa sabab u ah 8-10% wasakhaynta hawada iyo bay’ada, marka haddii cuntada la daadiyay ay waddan ahaan lahayd, waxay noqon lahayd midka saddexaad ee ugu weyn.”

Sida lagu yarayn karo

Sida lagu sheegay baaritanka ay sameysay Wrap; qorshaynta, keydinta taxaddarka leh iyo karinta inta loo baahanyahay ayaa hoos u dhigtay 22% marka loo eego sida ay ahayd 2019-kii.

Hoos u dhaca ayaa la sheegay inuu qayb ka qaatay xayiraadihii dalalka badan lagu soo rogay, intii uu Covid-19 socday.

“Inaan joogno guryaheena waxay sababtay inay dadka bartaan cunto karinta dufanka badan iyo qorsheynta cuntada,” ayay tiri hay’adda samafalka.

“balse ra’yigii ugu dambeeyay wuxuu soo jeedinayaa in heerarka qashinka cuntada ay u badan tahay in ay mar kale sare u kacdo, marka laga baxo xayiraadda.”

Dadaal looga jiro in laga fogaado taas, cunto kariyayaal caan ah ayaa bilaabay olole ka dhan ah qashinka jikada lagu tuurayo.

 

In kasta oo malaayiin tan oo cunto ah la tuuray, dad lagu qiyaasey 690 milyan oo qof ayay saameysay macluul, sannadkii 2019-kii. Tiradaas ayaa la filayaa in ay aad kor ugu kacdo xilliga uu jiro cudurka safmarka ee korona.

 

BBC

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here