HOBYO(DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug soo gaaray wafdi ka socda Dalka Jabuuti.

Wafdigaan ayaa isugu jira masuuliyiin,injineero iyo quburo kuwaasoo ku xeel dheer dhismaha iyo qaabeyta dekadaha.

Advertisement

Injineeradaan waxay maalmo  u casuuman yihiin Maamulka Galmudug iyagoona qiimayn ku samayn doona  meelaha loo qorsheeyey in laga hirgaliyo dhismaha Dekadda Hobyo.

Guddiga uu Maamulka Galmudug u xilsaaray dhismaha Dekedda ayaa qorshahoodu yahay inay dhismaha Dekada Hobyo bilaabaan sanadkaan.

Sanado badan ayay ku qaadatay reer Galmudug inay dhistaan Dekadaan iyadoo la xasuusto in madaxdii xilka isku badashay mid kasta uu dhagax dhig dekada ah smeeyay iyadoo midkoodna uusan ku guuleysan.

Madaxweynaha Galmudug ee Xiligaan Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor ayaa u muuqda inuu dhaqaajiyay rajada dhismaha dekadaan madaama dhawaaan uu ku guuleystay inuu qabto kulan dhaqaale loogu ururinaayay dhismaha dekada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha oo tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal  Maxamuud Geelle Yuusuf 
Next articleTaliye Sulub oo booqday xerada ciidamada Haram-cad+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here