Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8.2.2017 xiligaa oo Dadka inta badan aamisanayeen Farmaajo Dalka wax badan ka badali doono taa oo shacabka Soomaliyeed ku hingoobeen
Farmaajo ayaa ku tuntay sharcigii dalka isagoon adeegsaday awood badan uu San u laheyn sharciyan hadaba maxaa kala socotaa inta mar uu sharciga ku tuntay
waxuu si sharci daraa xilka ugu tuuray Gudoomiyahii Baarlamaanka isagoo u marin sharci waana masuulkii laga doonaayey in uu sharciga ilaaliyo
Tan labaad ayaa ah in uu dhamaan joojiyey Banaanbaxaydii shacabka u siinaayey in ay Banaanbixi karaan
Tan kale ayaa in uu weeraray Guryo ay daganayeen Masuuliyiin ka figrad duwan kuwaa oo maxkamad uusan u soo marin
Waxuu kale sharci daro ku tuuray Ra iisal wasarahii Dalka iyadoo loo marin habkii sharciga ahaa ee mooshinka
Waxuu weerar ku qaaday madaxweynayaashii isaga ka horeeyey kuwaa oo doonaayey in qabsadaan Banaanbaxyo Nabad ah waana jabin kale oo sharci daro ah
Waxa kale uu sameeyey magacaabida Ra iisal wasaraha oo loogu tala galay in lagu soo magacaabo 30 Casho gudahood waxuu Rooble soo magacaabay 60 cash ka dib
Waxuu sameeyey Farmaajo oo Dalka halis galin kartay ku Darsasho 2 sano ah ka hor maaneysay Dastuurka Dalka waana jabin kale oo aad u weyn
Waxuu hada sharci daro ku joogaa xarunta Villa Soomaaliya 14bilood
Farmaajo ayaa noqday madaxweynahii ugu horeeyey ee Soomaliya Doorashadii dalka si sharci daraa ugu gacan galiyey maamul goboleedyo isagoo ka wareejiyey Odoyaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa
5000 oo Ciidamo Soomali ah ayuu siiyey Dalka Etoobiya si ay dagaalka Tigareeda looga soo horjeedo uga qeyb galaan kuwaa oo wali la heyn Nolol iyo Geeri
Hadaba Madaxweyne Ku tumashadaadii sharciga ayaa keentay in lagu tunta doorashada dalka marka ku qabatay iyo Qadar Alle waa la qaataa hee qaado madaama horay u diiday in uu sharciga shaqeeyo.