NAIROBI (DAYNIIILE.COM)-Wasiirkii hore ee duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omaar oo Nairobi ku sugan ayaa wareysi uu siiyay VOA-da laanteeda afka Somaliga wuxuu sharaxaad ka bixiyay awooda Somalia ee maamulida hawadeena.

Maxamed Cabdullahi Omaar wuxuu sheegay in sanado ka hor hawada Somalia laga maamuli jirey Nayroobi laakiin hada  hawada Somalia Muqdisho laga maamulo.

Advertisement

Wasiirka waxaa wax laga weydiiyay farqiga u dhexeeya waagii Dowladii Kacaanka iyo hada dhanka awooda marka la eego maamulida hawada, wasiirka wuxuu sheegay in Dowladii kacaanka awoodeena maamulida hawada ay ahayd mid sharci iyo mid awood fulineed laakiin hada kaliya awoodu tahay dhanka sharciga oo kaliya.

“Waqtigii Dowladii kacaanka hadii diyaaradii sharci daro ku soo gasho dalka hadii ay ka madax adeygto waxaa barteeda ugu tagi jirtay diyaarado dagaal sida Miigaga markaasuu lagu amrki jirey inay soo degato si loo xukumo laakiin hada awoodaas ma jirto inkastoo mida sharciga aan heysano”ayuu yiri mar wax laga weydiiyay farqiga u dhexeeya awood ahaan xiligii Dowladii kacaankii iyo hadda

Wasiirkii hore ee duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omaar wuxuu intaasi ku daray in aduunka uu nidaam iyo xeerar adag ka yeelo cida ku xadgudubta amar la’aan inay gasho hawo dal oo aanu fasax ka heysan.

“hada alxamdulilaah waxaane anagaa maamulana hadii ay qarash tahay iyo hadii ruqsad bixin ay tahay laakiin wax yar ka hor hawada Somalia ajaanib Nayrobi fadhidaa maamuli jirtay warna uma aanan heyn wax soo galaaya iyo wax ka baxaaya.

Mar wax laga weydiiyay cidii xad-gudub sameysa talaabada Somalia qaadi karto madaama hada ciidan cir uusan jirin ayuu Mudane Oomaar wuxuu carabka ku dhuftay inay jirto Hay’ad dunida oo dhan u qaabilsan inay talaabo ka qaado cidii hawo aysan laheyn ku xadgudubta ,sidaas daraadeed hay’adaasi ay shirkadaha diyaaraduha ee Dowladaha iyo kuwa ganacsigaba ay ka cabsanayaan.

Si kastaba dagalka diblomaasiyaadeed ee ka dhex qarxay Somalia iyo Itoobiya horaantii dhalashada sanadkaani cusub ayay Dowladeenu kaga faa’iideysatay awoodeeda maamulida hawada markii dhowr mar hawada Somalia laga celiyay diyaarado aan fasax ka heysan Somalia oo sida masuuliyiin Itoobiyaan ah kuwaasoo talaabooyin ka dhan ah Somalia ugu sii socday Hargeysa waana lagu guuleystay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQoraa Falastiini ah oo sheegay in burburinta Jaamacadaha Gaza ay tahay qorshe ku talagal ah
Next articleDAAWO: Samali Guursaday sedex Gabdhooday oo Maroko u dhashay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here