Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Iran,
Abbas Araghchi, ayaa warbaahinta u cadeeyay inuu dhamaaday dagaalkii Bariga dhexe kadib heshiiska ay isla gaareen iyaga iyo Mareykanka.
Wasiirka u hadlay Iran wuxuu dhanka kale ka digay in dagaalka uu soo celin karo hadii Israa’iil Ciidamadoodu sii joogaan gudaha Dalka Lubnaan ama weeraro geystaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Iran,
Abbas Araghchi wuxuu caraba ku adkeeyay in heshiiska jiritaankiisa uu ku xiran yahay hadba sida Israa’iil u dhaqanto , waliba si gaar ah Lubnaan hadii lagu xad gudbo ayuu sheegay ineysan aqbali doonin.
Heshiiska Mareykanka iyo Iran waxaa la hadal hayaa in si rasmi ah loo kala saxiixdo maalinta Jimcaha ee socota taasoo markaas ka dhigan inuu dhaqan galay.
Sidoo kale wararka heshiiska ku saabsan ayaa sheegaya in wadahadallo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka la filayo inuu isla Jimcaha billowdo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
