
TEHRAN (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Garsoorka Dalka Iiran ayaa u dhawaaqay inay ku ganaaxeen 170 Milyan doolar ka rabaan Markab uu leeyahay in Israa’iili ah kaasoo gacanta Iiraan galay ku dhawaad 2 sano ka hor ,waxayna ka qabteen gacanka Persian.
Afhayeenka garsoorka Iran oo ka hadlayay markabkaani oo gacantooda galay April 2024-kii ayaa sheegay in qaar ka mid ah konteenarada markabkaan saaran inay ku jireen walxo khatar ah taasoo ku xad-gudbeysa isticmaalka badooda.
“Markabkaan wuxuu khalkhal geliyay nabadda, nidaamka, iyo amniga gobolka.” ayuu yiri afhayeenka garsoorka Iran Asghar Jahangir sida ay bbc-du warisay
Warbaahinta Dunida ayaa shaacisay 2024-kii markii uu warka markabka soo baxay muuqaal muujinaya ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo diyaarad helikobter ah ku weeraraya markabka islamarkaana gacanta ku dhigaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
