TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Dowlada Iran oo lagu yaqaan inay is xaliso marka loo eego diban daabyada uu Mareykanku u maleego si ay isu dhiibto ayaa durba xal u heshay gaadiidka ku xannibnaa buundooyinka uu Mareykanka duqeymaha ku burburiyay.
Iiraan waxay durba sameysay wado cusub oo badal u noqon kara buundooyinka laga burburiyay,talaabadaani waxay meesha ka saaraysaa inuu fulo damicii Mareykanka uu ku doonayay inuu istaago isku socodka gaadiidka ee Gobolada Dalka Iran gaar ahaan Dekadaha muhiimka ah iyo Magaalooyinka si shacabku u waayo nolol maaleedkooda.
Buundooyinka Mareykanku burburiyay waxaa ka mid ah kuwa ay u soo maraan agabyada kaga imaanaya ,Ruushka ,Shiinaha iyo Dalalka kale ee xiriirka ganacsi uu kala dhexeeyo Iiran,qorshaha mareykanka waa in dhanka shacabka uu kala dagaalamo oo ka hor istaago raashinka,biyaha iyo korontada si ay ugu kacaan Dowladooda.
Dhanka kale Dowlada Iiraan ayaa goor dhaw waxay shaacisay inay hakisay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan la gashay Mareykanka,sidoo kale Iran waxay sheegtay inay xanibeyso meel marinta qodobadii lagu heshiiyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
