Sarkaal u hadlay Dowlada Iran ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ahmiyada Iran u leedahay marin biyoodka Hormuz oo inta badan ay maraakiibta Carabta ka soo qaada shidaalka kadibna u iibgeeya caalamka.
Jen. Mohsen Rezaei oo ah la- taliyaha arrimaha milatariga ee hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei ayaa sheegay in Hormuz tahay aalad istaraatiiji u ah Dowlada iran,sidoo kale wuxuu oosta ka xariiqay in Hormuz ahmiyad gaar ah u leedahay amniga ,Dowladnimada iyo danaha qaranka Iran.
Jen. Mohsen Rezaei wuxuu sidoo kale shaaciyay in marinka Hormuz qiima ahaan uu iyaga xagooda uga wanaagsan yahay 10 bam oo nuyukleer ah sida uu warka u dhigay taasoo macno badan sii yeelan karta,wuxuu sidoo kale xusay masuulkaani in Netanyahu iyo Trump ka gudbeen xariiqyadooda cas ayna tahay inay ka bixiyaan jawaabta ku habboon.
“Iiraan waxay sii wadi doontaa ilaalinta Hormuz oo ah aalad istaraatiiji ah oo lagu cabsi geliyo laguna horjoogsado cadowga” ayuu yiri la- taliyaha arrimaha milatariga ee hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mujtaba Khamenei
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

