HomeWarkiiIran oo sheegtay inay xoojisay Milaterigeeda kana faa'iideysatay xabad joojinta

Iran oo sheegtay inay xoojisay Milaterigeeda kana faa’iideysatay xabad joojinta

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka ciidamada ilaalada Kacaanka ee Dalka Iran Hossein Mohebbi ayaa warbaahinta u sheegay inay si wanaagsan uga faa’iideysteen heshiiska xabad joojinta ee ay la galeen Mareykanka iyo maalmaha dagaalku istaagnaa .

Hossein Mohebbi wuxuu xusay inay xoojiyeen awoodooda Milateri iyo kuwooda howlgal mudada xabad joojinta ay socoto,sidoo kale wuxuu sheegay inay xoojiyeen heegankooda iyo dib u hagaajinta dhibaatooyinkii duqeymaha Mareykanka ka soo gaaray.

“Fursadda aan ka helnay xabad joojinta waxaan u adeegsanay kor u qaadista awoodda dagaal ee ciidamadeena milateriga, ciidamadeena waxay ku sugan yihiin xaalad ka wanaagsan tii hore” ayuu yiri Afhayeenka Iran u hadlay

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkaan danbe uusan jirin wax dagaal tan iyo wixii ka danbeeyay markii Mareykanka iyo Iran ku heshiiyeen xabad joojinta taasoo markii waqtigu ka dhacaba la cusbooneysiiyo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -