TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Sarkaal u hadlay Dowlada Iran ayaa barta X ku shaaciyay inaaney jirin qorshe ay ciidamadooda Cirka ku beegsanayaan Kenya gaar ahaan saldhigyada ciidan ee Mareykanku ku leeyahay Kenya kadib cabsi soo wajahday dhaman dalalka Mareykanku saldhigyada ku leeyahay.
Dowlada iyo Shacabka kenya ayaa aad ugu qancay warkaasi ka soo baxay Dowlada Iiran ee ah ineysan wax gantaalo ah u soo jiheyn doonin dhanka Kenya waliba iyagoo og in Mareykanku saldhigyo ku leeyahay.
Sidoo kale Somalia ayaa ka mid ah dalalka Geeska Afrika ee Mareykanku ku leeyahay saldhigyada Milateri walow uusan inta badan Mareykanku saldhigyada Afrika u adeegsan inuu weeraro ka qaado marka laga reebo kuwa uu inta badan ka geysto isla dalalka Afrika isagoo beegsanaya Alshabaab ama Dacish.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

