MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Cumar Cali Cabdi ayaa maanta Muqdisho ka furey Shirka Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) kaasoo galay maantii sedexaad.
Shirka oo ahaa kii 34-aad ayaa waxaa maanta looga hadlayay iskaashiga difaaca ee gobolka, diyaargarowga hawlgallad, iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed.
Saraakiil ka socotay Dowlada Itoobiya ayaa shirka hadalo ay ku lahaayeen waxay si lama filaan ah ula aadeen sheeko ka yara baxsanayd ajandaha ay u fadhiyeen dalalka ku jira ururka Bariga Afrika taasoo dhanka ciidamo ay sheegeen inay u soo dirayaan Soomaaliya.
Arin ay ka caroodeen saraakiisha Soomaalida ee shirka hogaamineysa ayaa ahayd markii sarakiisha ciidamada Itoobiya xuseen inay ciidamadooda ay u soo dirayaan howlgalka AUSSOM ay ka dhigayaan ciidamadooda badda oo wata maraakiib iyo dooman.
Saraakiisha Itoobiya ayaa soo banadhigay heshiis hore uga dhacay Adis-ababa oo Dowlada Somalia ku aqbashay in dalalka Afrika ay cidiamadooda Somalia ku soo dari karaan kuwa badda inkastoo Itoobiya ku jirin kuwa badda leh.
Saraakiisha Soomaalida oo uu hogaaminayay wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka joojiyay saraakisha Itoobiya inay hadal jeedinta sii wataan iyadoo muranka arintaani ka dhashay uu qatar geliyay in shirka oo dhan uu istaago.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM





