Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa maanta duulaan ay qaadeen waxay Alshabaab kala wareegeen deegaanka Xiin-labi ee Koonfurta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada isbahaysiga waxaa la soo sheegayaa inay dagaal la’aan qabsadeen deegaankaasi kadib markii dagaalamayaasha Alshabaab isaga baxeen ka hor inta aysan soo gaarin isbahaysiga dowlada iyo deegaanka.

Advertisement

Waxaa si xowli ah ah ku socda deegaanada ay la waraagayaan isbahaysatada Dowlada Soomaaliya iyo dadka deegaanka iyadoo maalin kasta alshababkuna ka sii baxayaan dhul hor leh.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in alshabaabku  baxeen deeganada kala ah Bacaad iyo Camaara markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Dowlada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleQarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Lamu.
Next articleXiisado Dagaal oo ka taagan Gobolka Sool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here