MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulan xasaasi ah oo Caawa Muqdisho ku dhexmaray isiyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Somalia ee la baxay Samatabaxinta ayaa waxa ka soo baxaya warar sheegaya in shirka lagu kala kacay.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaga in kulanka oo ka dhacay guriga Shariif Sheekh ay gabi ahaanba samatabixinta isaga baxeen Siyaasiyiinta kala ah Cumar C/rashiid,Shariif iXassan,Mursal iyo Geelle.
Xoggaha aan helnay waxay intaas ku dareyaan dhanka hada baxay ay aaminsan yihiin in wada hadalada ay Dowlada kula jiraan la sii wao halka dhanka kale ay gabi ahaanba diideen wada-xaajoodka.
Kala qeybaanaantaan waxay wax u goysaa Dowlada oo culeys ah ku ahayd in mucaaradku mid noqdaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
