HomeWarkiiIsbahaysigii ugu weynaa oo ay dhisanayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Madoobe

Isbahaysigii ugu weynaa oo ay dhisanayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Madoobe

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi doono isbahaysi siyaasadeed oo ay isla dhisanayaan Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Inkastoo wali aanan helin siyaasiyiinta kale ee isbahaysigaan ku jira hadana waxaa lagu shaacin doonaa ku dhawaaqista hada la hadal hayo.

Isbahaysigaan waxaa musharaxa Madaxweynaha Somalia u ah Shariif Sheekh Axmed waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Axmed Madoobe aqbalay inuu soo dhiso Shariifka taasoo siyaasad ahaan la qiyaasayo inuusan ku farxi doonin Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani oo damac uga jira inuu Musharax madaxweyne mar kale noqdo.

Inta badan dadka siyasada taxlilaya ayaa rumeysnaa in Saciid Dani uu ku tashanaayay sanadkaan in Axmed Madoobe uu isaga garab ku siin doono sidii uu  ku gaari lahaa Vila Somalia inuu ka taliyo.

Hore waxaa u jiray laba isbahaysi oo waa weyn sida kan Madaxweyne Xasan ee Xisbiga JSP iyo isbahaysiga dhawaan lagu dhawaaqay ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kuwaasoo la baxay Heybad Qaran, hadaba isbahaysigaan hadii lagu dhawaaqo wuxuu noqon doona midka sedexaad ee ku soo kordha saaxada siyaasada xili doorashadii ay soo dhaw dahay.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -