Inkastoo xiligii kala guurka iyo kaanbeynka aan la gaarin hadana waxaa mararka qaar sidaas u ekeysiinaya siyaasada isbiidka badan ee uu ku socdo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taasoo hurdada ka kicisay qolada Mucaaradka kuwaasoo dhawaan ku kaliftay inay sidii xiligii kaanbeynka oo kale shirar jaraa’id u qabtaan kana soo horjeestaan siyaasada Madaxweynaha.
Xasan Sheekh wuxuu sanadkii koowaad-ba uga naxsaday qolooyinka mucaaradka dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo guuleystay kuwaasoo ciyaarta dhinac u ridi kara ka hor xiliga kaanbeynka oo aanba soo dhaweyn hadii aysan ka hor tagin mucaaradka.
Dhaq dhaqaaqyada uu sameeyay Madaxaweyne Xasan oo xitaa uu ku kasbaday maamul Goboleedyada inay heshiis wada-jira ay ku gaareen go’aan ka gaarista qaabka uu noqon doono doorashda danbe iyo waliba isbadal xoog leh oo 20 sano kadib dalka oo dhan waji cusub u yeeli karta sida in Ra’iisulwasaare la tuuro, la sameeyo madaxweyne xigeen sidoo kalana tartanka doorashada madaxweynaha lagu soo koobo laba xisbi taasoo mucaaradka indhaha u furtay inay hada u dagaalamaan sida iyadoo la gaaray xiligii kaambeynka iyo kala guurka.
haddaba yay dan u tahay dagaal siyaasadeedka nuucaasi in hada la galo ma Xasan mise mucaradka.
Ifafaalaha koowaad waxaad ka eegi kartaa kow mucaaradkii ayaa laba u kala jabay oo kooxina waa isla socdaan halka koox kalana ay gaar tahay, waxayna ciyaarta koowaad ka dhigtay in Xasan Sheekh ku horeeyo dhibco mar hadii bilowgiiba uu kala qeybshay mucaarad loo baahnaa inay hal aragti ku hadlaan.
Dagaalka socda ee ka dhanka ah Alshabaab ayaa micno weyn u sii yeelay siyaasada Xasan Sheekh iyadoo inta badan dunida iyo Soomaaliduba ugu garaabayaan Odeyga in lagu kaalmeeyo dagaalka taasoo ka dhigan in lagu dab feylo Xasan Sheekh.
Haddaba isbiidka Xasan Sheekh iyo damaca mucaaradka oo ah inay ka hortagaan ayaan ku eegeynaa dhamaadka qormadeena aan ugu magac darnay isbiidka Xasan iyo damaca Mucaaradka.
Madaxweynaha sanad iyo bar waxaan dhameyn ayuu ku kasbaday dalalka taageera Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada taasoo salka u adkeysay qorshihiisa ah in Alshabaab dalka laga saaro guud ahaan.
Damaca Mucaaradka ha ii danbeeyee hadii xasan ku guuleysto laba qodob ee kala ah dagaalka iyo qorshaha masiirka dalka iyo habka maamulida doorashooyinka soo socda, xitaa mid ka mida labada qodob wuxuu sameyn doonaa iskoor uusan hore u sameyn madaxweyne dalka hore u smaeyay madaama uu hada yahay shaqsiga laba jeer dalkaaan madaxweyne ka noqday.
Aan toos u abaare labada qodob way kala wanaagsan yihiin hadii dagaalka sida uu rabo dalka uga saaro Alshabaab waxay leeyihiin dadka ugu badan xitaa tartan doorasho ma dhici doono oo Xasan isagaaba lagu baryi doonaa inuu dalka sii hogaamiyo.
Haddiise uu usoo haro qodobka kale waxaa yara furnaan doona tartanka u dhexeeya isaga iyo mucaaradka oo ku qasbanaan doona inay midoobaan oo hal xisbi noqdaan ileen Xisbiga kale Xasan baa hogaan ma ehe taasoo laftigeedu hadii ay u socoto Madaxweynaha garab weyn u ah inuu soo laabto.
Ugu danbeyn damaca Mucaaradka oo aan ku soo qatimeyno qornadeena waa inay arkaan Xasan oo ku fashilmay dagaalka iyo qorshihiisa labaad ee dhanka doorashooyinka taas ayaana ka dhigi kalsooni u ah madaama nuucii hore kaliya ay u arkaan wadad kaliya ee Xasan ay kaga fara maroojin karaan kursiga.
QORE: wariye Suud-maqaate
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM