Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar ayaa ka qeyb galay carwada ama bandhiga waxbarashada (Kobac Expo) oo muddo labo cisho ah ka socday beerta Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Bandhigan oo la qabanayey todobadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka faa’iideysta ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka, Jaamacadaha. Xarumaha lagu barto xirfadaha gacanta, isbitaalada iyo ganacsatada dalka keenta agabka Waxbarashada, waxaana sanad walba soo qabanqaabiya xarunta KOBAC ee Tababaridda La-Talinta & Wacyigelinta oo uu aasaasay Macalin Kobac oo ah shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.
“Ujeedada bandhigan waa inaan isku xirno ardayda iyo heyadaha u adeegaya, waxaa sanadkan ka qeyb galaya in ka badan 40 Jaamacadood oo talooyin iyo waxqabadkoodaba u soo bandhigaya ardayda, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya isbitaalo baaritaano iyo talooyin ka siinaya ardayda Caafimaadka mustaqbalkooda, waxaa kaloo ka qeyb galaya iskuulada lagu barto xirdafaha kala duwan iyo heyaddo kale oo ka shaqeeya arrimaha Waxbarashada” ayuu yiri Ustaad C/raxman Ibraahim Cilmi (Macalin Kobac) oo ah Guddoomiyaha Bandhiga Kobac Expo oo ka hadlayey munaasabada furitaanka bandhigan oo ay ka qeyb galeen kumanaan arday oo u diyaar garoobaya iney sanadkan ku biiraan jaamacadaha dalka.
Guddoomiyaha guud ee Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar Prof. Dr. Abdirisak Ahmed Dalmar ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ka qeyb galka bandhiga Waxbarashada Kobac, isagoo xusay in iyagoo ka duulaya baahida caafimaad iyo duruufaha ka jira dalka ay go’aansadeen iney baaritaanada dhinaca Caafimaadka ka caawiyaan ardayda sanadkan ka soo baxday dugsiyada Sare ee dalka iskuna diyaarinaya iney u gudbaan waxbarashada heerka Jaamacadeed.
Isbitaalka Dalmar oo qeyb ka ahaa Carwadan ayaa hallkaas u diray Koox ka kooban dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal Caafimaad kuwaasoo mudadii labada cisho aheyd ee ay socotay Carwadan baaritaano kala duwan iyo la talin bilaash u sameynayey ardayda ka soo qeyb gashay bandhigan, kuwaasoo ka cabanayey xanuuno kala duwan iyadoo kuwa baaritaanada dheeraadka ah u baahan loo dirayey xarumaha Isbitaalka, iyadoo adeegyada ay u baahan yihiin loogu sameeyey qiimo dhimis gaareysa %50.
Waxaa kaloo ardayda la siinayey kaar ay si bilaash ah ugu booqan karaan dhamaan dhaqaatiirta ka howlagasha qeybaha kala duwan ee isbitaalka.
Qaar ka mid ah ardaydii soo booqday Goobta ay ka howlgalayeen Tiimka ka socday Isbitaalka Dalmar ayaa u mahad celiyey Maamulka Isbitaalka gaar ahaan dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii halkaasi ku sugnaa sida hufan ee ay u soo dhoweeyeen, adeegyadii ay u baahnaayeena ugu qabteen.
Isbitaalka Dalmar (Ex-Al-Nuur Eye Hospital) Waa Isbitaalkii ugu horeeyey noociisa ee laga furo Koonfurta iyo bartamaha Somalia sanadkii 2002 xilli ay jireen duruufo aad u adag oo dhaqaatiirta qurbaha ku maqnaa badankood ku qasabtay iney ku soo dhiiran waayaan dalka, iyadoo shaqada Isbitaalka aysan maalina joogsanin mudadii 23-ka sano aheyd uu jiray waxaana ka faa’iideystay adeegyada Isbitaalka tobanaan kun oo qof.
Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar waa isbitaal casri ah wuxuu ka kooban yahay, qeybaha bukaan socodka oo taqasusyo kala duwan leh, bukaan jiifka, Sheybaarka, Raajada, gargaarka deg deg ah (ICU) daweynta iyo qaliinka Indhaha, Sifeynta kelyaha, Caafimaadka iyo qurxinta ilkaha (Dentistry) gargaarka deg deg ah, dhalmada iyo qeybaha qaliimada Guud.












































