Guddiga gurmadka Guriceel uu Magacaabay Madaxweynaha DG Galmudug ayaa maanta shixnad Dawo ah oo ka kooban saddex diyaarad ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Istarliin si loogu adeego Bulshada.

No description available.

Wasiirka Gargaar & Maareynta Musiibooyinka DG Galmudug & Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka Hodan Xuseen Dhiblaawe oo xubno ka ah Guddigaan ayaa sheegay in Hay’ado kala duwan ay ka heleyn gurmad ay siiyeen qoysaska loogu talagalay.

Degmada uu dib u bilaabo u adeegidda Bulshada, Carruur & Haween ayaa u baahan adeeg degdeg ah, waxaa diiwaangashan kiisas Shuban & Kaneeco ah oo u baahan in la daryeello dadka la xannuunsan” ayay tiri Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka Galmudug oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Guriceel.

No description available.
Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka Galmudug

Dr Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac Wasiirka Caafimaadka DG Galmudug ayaa shaqaalaha Isbitaalka Istarliin ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan la socodka xaaladaha caafimaad ee Dadka ka barakacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

No description available.

“Waxa aan sameyneynaa Kooxo caafimaad oo tagaya Tuulooyinka ay u barakaceen qoysaska ka baxay Guriceel oo halkaas waxaa naga soo gaaraya Cuduro kala duwan, Hay’adaha Samafalka waxa aan ka codsanayaa in kaalintooda ka qaataan gurmadkaan” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Caafimaadka Galmudug.

No description available.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa dib ugu laabtay qoysaskii ka barakacay dagaalkii dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Daraawiishta Galmudug & Ahlu sunna.

No description available.

Mustaqbal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here