Waxaa si rasmi ah loo daahfuray dib u habeyn, ballaarin iyo casriyeyn lagu sameeyay qeybta kelyo sifeynta (Dialysis Unit) ee Isbitaalka taqasusiga iyo taclimiga ah ee Dalmar, taasoo ujeedadeedu tahay in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee dadka qaba cudurrada kelyaha.
Munaasabadda furitaanka ayaa si weyn loo agaasimay iyadoo ay kasoo qayb galeen dhaqaatiir sare, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda Jaamacada Benadir, Maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar iyo masuuliyiin kale oo lagu casuumay.
Qeybta cusub ee la ballaariyay ayaa ka kooban ilaa 10 sariirood oo cusub, qalab casri ah oo lagu sameeyo sifeynta dhiigga (hemodialysis machines), iyo dhisme loo habeeyay si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee caafimaadka.
Sidoo kale Qeybta cusub ee la furay ayaa leh dhisme gaar ah oo loogu talagalay raaxada bukaanka iyo ilaalinta nadaafadda. Waxaa sidoo kale qaybta lagu daray nidaam koronto-degdeg ah, qaboojiye guud, iyo xarun lagu kaydiyo daawooyinka muhiimka u ah bukaanka kelyaha qaba.
Tan iyo markii la balaariyey qeybta cusub, tirada bukaanada heli kara adeegga kelyo sifeynta maalin kasta ayaa laban laabantay, taasoo si weyn hoos ugu dhigtay waqtiga sugitaanka ee bukaannada.
Dhakhtarka Kelyaha, ahna Hormuudka Qaybta Kelyo-sifaynta ee Isbitaalka Dalmar ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay ballaarintan cusub.
“Soomaaliya waxaa sanad kasta ku soo badanaya bukaannada u baahan kelyo sifeynta sababo la xiriira xanuunada kelyaha oo sare u kacay, Waxaanu aragnay baahi daran oo ay qabaan muwaadiniinta, waxaana go’aansannay in aan si buuxda u casriyeyno una ballaarino adeeggeenna. Maanta waxaan haysannaa qalab la tartamaya isbitaallada heer caalami.” ayuu yiri Dr. Caraale.
Guddoomiyaha Guud ee Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid muddo dheer lagu howlanaa oo ugu dambeyn mira dhalay isagoo xusay in qeybta Kelya sifeynta la furay bishii January sanadkii 2022 balse haatan lagu sameeyey dib u habeyn iyo balaarin, laguna bilaabay ilaa afar mashiin balse haatan dedaal badan ka dib la gaarsiiyey ilaa 10 mashiin, ka dib markii la arkay baahida caafimaad ee bulshada u qabaan oo sii kordheysa.
“Farxad ayey inoo tahay maanta inaan daahfurno dib u casriyeyn iyo ballaarin lagu sameeyey qeybta kelyo sifeynta ee Isbitaalka Dalmar ka dib markii aan qiimeynay baahida sii kordheysa ee bulshadu u qabto taasoo nagu dhiiri gelisay inaan qaadno talaabadan, Isbitaalka Dalmar wuxuu ku dadaalayaa inuu noqdo mid hoggaan u noqda bixinta adeegyada caafimaadka tayaysan” ayuu yiri Prof. Dalmar oo sidoo kale ka mid ah Barrayaasha Kuliyada dhaqtarnimada ee Jaamacada Benadir.
“Ballaarintan cusub waa mid ka tarjumeysa dadaalkayaga joogtada ah ee ah in qof walba oo Soomaaliyeed uu helo daryeel caafimaad oo hufan laguna kalsoonaan karo.” ayuu yiri Prof. Dalmar oo amaanay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha qeybta kelyaha sida hufan ee ay bukaanada ugu adeegaan, isagoo ku booriyey iney dedaalkooda sii laban laabaan.
Munaasabadda sidoo kale waxaa hadallo dhiirigelin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo amaanay furitaanka qeybtan cusub iyo dedaalka uu maamulka Isbitaalka Dalmar ugu jiro sidii bulshada looga haqabtiri lahaa baahida ay u qabaan adeegyada guud ee Caafimaadka, isagoo xusay in ardayda barata qeybaha Caafimaadka ee Jaamacada Benadir ay ka faa’iideysan doonaan qeybtan cusub ee Kelyo sifeynta si ay ugu kororsadaan khibrad iyo aqoon ay mustaqbalka bulshadooda ugu adeegaan, maadaama buu yiri labada heyaddood uu ka dhexeeyo xiriir iyo iskaashi qoto dheer oo la xiriira is dhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo Cilmi baarista.
Senator Prof. Dr. Cusmaan Cusmaan Maxamuud (Dufle) oo ah Guddoomiyaha guddiga Adeega bulshada Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii munaasabada ka hadlay ayaa muujiyay taageeradiisa buuxda ee horumarka Isbitaalka Dalmar.
“Maanta waxaannu ku faraxsanahay inaan aragno hay’ad caafimaad Soomaaliyeed oo si madax-bannaan u horumarineysa adeeggeeda, Kelyo sifeyntu waa adeeg nololeed. Ma aha adeeg la sugi karo. Waxaan ku bogaadinayaa maamulka isbitaalka Dalmar sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka iyo badbaadinta nolosha dadka la ildaran saameynta cudurada raaga sida Kelyo sifeynta oo ah mid ka mid ah adeegyada Caafimaad ee loogu baahida badan yahay dalka” ayuu yiri Dr. Dufle oo Maamulka sare ee Isbitaalka Dalmar ugu hambalyeeyey guulaha uu ka gaaray horumarinta adeegyada Caafimaadka dalka.
Dhinaca kale Masuuliyiinta isbitaalka ayaa sidoo kale shaaciyay inay qorsheynayaan in adeeggan la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka, iyadoo la samayn doono xarumo hoosaadyo la xiriira qeybta dhexe ee Isbitaalka Dalmar.
Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay qorshe lagu tababarayo kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ku takhasusay cudurrada kelyaha, si loo buuxiyo baahida khubarada caafimaad ee dalka ka jirta.
Ballaarinta iyo casriyeynta qeybta kelyaha sifeynta ee Isbitaalka Dalmar waxay noqonaysaa tallaabo taariikhi ah oo dhiirrigelin karta isbeddel weyn oo ka dhaca adeegyada caafimaad ee Soomaaliya. Waana tusaale cad oo muujinaya sida iskaashiga u dhexeeya maamul caafimaad, dhaqaatiir uu u horseedi karo isbeddel dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Talaabadan waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo qaba xanuunada kelyaha, uusan u safri doonin dibadda si uu u helo adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo. Tani waa mid ka turjumeysa ujeedada Isbitaalka Dalmar – in caafimaad tayo leh lagu helo gudaha waddankeena.