HomeWarkiiIsbitalka Guled oo fulinaya qaliimada caruurta wadnaha ka daloola +SAWIRRO

Isbitalka Guled oo fulinaya qaliimada caruurta wadnaha ka daloola +SAWIRRO

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda daaweynta qaliinada xirida wadnaha duleela ee caruurta, waana markii 7aad ee mashruucan laga fulinayo Isbitaalka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Somalia.

Mashruucan ayaa waxaa ka faaiideysanaya 15 caruur ah oo heli doona daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay si weyn ugu baahnaayeen, waxaana fulinaya Isbitaalka taqasusiga ah ee GULED oo kaashanaya heyadaha kala ah Hormuud Salaam Foundation, Mogadishu Heart Centre, iyo Hope for Little Hearts Foundation.

Guddoomiyaha heyadda Hormuud Salaam Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in caruurtan ay baahi weyn u qabeen qaliinadan, ayna heysteen dhibaatooyin Caafimaad iyo xaalado adag.

“Waxaan u rajeynaynaa in qaliinadan loo sameynayo caruurtan uu ILAAHAY caafimaad taam ah ku siiyo si ay noloshooda caafimaad ugu qaataan mustaqbalka Insha ALLAH” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cusmaan.

Maxamed Axmed Nairobi oo ah madaxa heyadda Mogadishu Heart Centre ayaa sheegay in caruurta ka faa’iideysanaya qaliimadan ay diyaarintooda wadeen muddo labo bilood ah, ayna ka soo jeedaan qoysas danyar ah oo aan awoodin iney caruurtooda dibeda ku soo daweystaan, taasoo uu sheegay iney ku dhalisay sidii ay dalkooda ugu heli lahaayeen qaliinada ay baahan yihiin, isagoo u mahad celiyey heyadaha ka qeyb qaatay fulinta mashruucan.

Madaxa Caafimaadka ee isbitaalka taqasusiga ah ee Guled Dr. Maxamed Axmed Guled, ahna dhaqtar ku taqasusay cudurada wadnaha iyo dhiig mareenka ayaa isna sheegay iney ku faraxsan yihiin fulinta qaliinada loo sameynaya caruurtan, isagoo xusay in sida qorshuhu yahay uu barnaamijkan socon doono 25-27 bishan Agoosto sanadka 2025.

“Maamulka Isbitaalka Guled gaar ahaan qeybta daweynta iyo daryeelka Caafimaadka wadnaha farxad gaar ah ayey u tahay iney qeyb muhiim ah ka yihiin fulinta qaliinadan loo sameynayo caruurta wadnaha ka daloola, anagoo u mahad celinayna heyadda Hormuud Salaam Foundation iyo dhamaan heyadaha kale ee ka qeyb qaadanaya taaba gelinta Mashruucan iyo dhaqaatiirta nooga timid dalka India ee qaliinada sameynaya” ayuu intaas ku daray Dr. Maxamed Guled oo balan-qaaday iney sii wadi doonaan mashaariicda noocan ah ee waxtarka u leh bulshada danyarta ah iyagoo kaashanaya heyadaha localka ah iyo kuwa caalamiga ah.

Qaar ka mid ah waalidiinta danyarta ah ee caruurtooda uga faa’iideeyay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, iyagoo u mahad celiyey maamulka isbitaalka Guled iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan qiimaha badan.

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guled ayaa waxaa buuxiyey waalidiinta iyo ehelada caruurta loo sameynayo qaliinada la xiriira wadnaha daloola, iyadoo dhaqaatiir ka yimid dalka India iyo kuwa Isbitaalka ay mashquul ku yihiin fulinta qaliimadan iyo hubinta badqabka iyo baxnaaninta caruurta illaa hadda qaliinada maray oo caafimaadkoodu aad u wanaagsan yahay.

May be an image of 2 people, hospital and text that says "Allengers 133 12%"May be an image of 1 person, beard, smiling, studying and hospitalMay be an image of 2 people, baby and hospitalMay be an image of 1 person, child and hospitalMay be an image of 7 people, people smiling and hospitalMay be an image of 6 people, hospital and text that says "GULED GULEDHEART HEART CENTER YOURHEARTOURCA YOUR HEART OUR CARE Aa3H a: -R3"May be an image of heart, lighting, hospital and text that says "GULED HEART CENTER HEART OUR CARE"May be an image of 1 person, child and headscarfMay be an image of 7 people, people studying, newsroom and text that says "GULEDHEART GULED HEART CENTER YOUR_HEART YOUR HEART OUR TRA3И 一93 R3 SE"May be an image of 1 person, child and hospitalMay be an image of 1 person, smiling and hospitalMay be an image of 1 person, child and hospitalMay be an image of 3 people, child, hospital and textMay be an image of 1 person, baby, smiling and hospitalMay be an image of 2 people and hospitalMay be an image of 2 people, baby, people smiling and hospitalMay be an image of 1 person, baby, smiling, sleepwear, hospital and textMay be an image of 1 person, child, hospital and textMay be an image of 1 person, child, hospital and text that says "ૂज"May be an image of 1 person, child and headscarfMay be an image of 2 people, people studying, hospital and textMay be an image of 1 person, beard, studying, smiling and hospitalMay be an image of 1 person, beard, smiling and hospitalMay be an image of 3 people, hospital and text that says "어ㄱ"May be an image of 3 people, baby and hospitalMay be an image of 2 people, child and hospitalMay be an image of 1 person and hospitalMay be an image of 2 people, baby, hospital and textMay be an image of 2 people, child, hospital and textMay be an image of 3 people, hospital and text that says "Allengera"May be an image of 3 people, hospital and textMay be an image of 3 people, hospital and text that says "Allengers Allengers Allen 124 96%"May be an image of 2 people, hospital and text that says "Altima 100 100"May be an image of 3 people, hospital and text that says "103208 0 03208 2 32 08 All Allinger ngen"May be an image of 1 person, hospital and text that says "Allengers Lllens E"May be an image of ‎2 people, hospital and ‎text that says "‎Allengers 09228 מעורריל Anknarao‎"‎‎May be an image of 3 people, hospital and text that says "llengers 131 5"May be an image of 1 person and hospitalMay be an image of 2 people, hospital and texthttps://scontent.fnbo17-1.fna.fbcdn.net/v/t39.30808-6/539639851_824980523508885_6404760133544414189_n.jpg?_nc_cat=101&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=6l22S3r47L4Q7kNvwHgbfg7&_nc_oc=AdlXhyBFuetlHKICF-6oypIbNci7V3lUfqq2CURk_xu7eLypx1xneVPFSBJ_qYR5Na4&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fnbo17-1.fna&_nc_gid=P-Bc-UguogS9hAWLZoN6Dw&oh=00_AfU0vBTTC4QthvG5LQmIuULwoQRvnSnD4M7Zo7GS3zeHRQ&oe=68B49A68May be an image of 1 person, x-ray, hospital and textMay be an image of 1 person, hospital and textMay be an image of 1 person, hospital and textMay be an image of x-ray and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -