Waxaa is faham hordhac ah laga gaaray shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gubadley ee degmada Kaaraan, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ay kala hoggaamiyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo kala ah G/sare Saney Cabdulle iyo Col. Cismaan Xaadoole.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno labadan Sarkaal ee xurgufta u dhaxeeysay, waxaana gogol uu maanta u dhigay is faham hordhac looga gaaray wixii dhacay.

Sikaataba ha ahaate waxay muujiyeen is dhexgal labada ciidan ay kala hoggaaminayeen saraakiishan ee maalmo ka hor iska hor imaadka dhex maray, waxaana loo balansan yahay in maalmaha soo socda la fidiyo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo xurguftaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here