Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo dhammaan isimada dhaqan ee beelaha Daarood ayaa soo saaray Bayaan lagu diidayo aqoonsiga Somaliland ee Israel laguna taageeray in Israel dalka laga cayriyo.
Qodobada bayaankaas waxaa ugu muhiimsan:
1. Taageerida dhismaha maamulka Waqooyi Bari.
2. Dhaleeceynta aqoonsiga Isr!!I ee Somaliland.
3. Taageerida go’aanki Dawlada Federaalka ee ka bixitaanka heshiisyadii Imaaraatka.
4. Taageerida Midnimada Soomaaliya
5. Farriin ay u direen madaxda Dawlada
Gobaleedyada aan ka hadlin aqoonsiga Is!!I ee
Somaliland.
6. Bogaadin Doorashadii Qof iyo Cod ee ka
dhacday magaalada Muqdisho.
7. Baaq ay udireen shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka waxa uu u qornaa sidan:
BAAQ KA SOO BAXAY ISIMADA DHAQANKA BEELWEYNTA DAAROOD ISMAACIIL
(BOQORKA, ISIMMADA, GARAADDADA, UGAASYADA IYO BEELDAAJIYAHA) BEESHA DAAROOD EE KU KULANSAN MAGAALADA LAASCAANOOD, CAASIMADDA DOWLAD GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI EE SOOMAALIYA.
Annagoo ah Dhaqanka Guud ee Beesha Daarood ee isugu yimid magaalada
Laascaanood, munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Md. Abdulkadir Ahmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Madaxweyne ku xigeenka
Abdirashid Yusuf Jibril.
kadib wada-tashi iyo falanqayn dheer ee aan ka yeellanay xaaladaha dalku wajahayo, waxaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u soo jeedinaynaa baaqan hoos ku xusan:
1. Waxaan boogaadinayna sida sharafta iyo milgaha leh ee ay madaxda iyo shacabka Waqooyi bari u soo dhaweeyeen madaxdii iyo marti sharaftii kala duwanayd ee munaasabadda caleema-saarka ka soo qaybgashay.
2. Waxaan boogaadinaynaa horumarka iyo dowlad dhiska ay mudada kooban ku
tallaabsadeen dowladda iyo Shacabka Waqooyi-Bari iyagoo wajahayey caqabado
siyaasadeed iyo kuwa Amni.
3. Waxaan boogaadinayna kaalinta wanaagsan ee u hiilinaysa midnimada iyo wadajirka ee madaxda qaranka ee uu horreeyo madaxweynaaha iyo Ra’iisul Wasaarahu ee ay ka qaateen taabbagalinta Maamulka curdanka ah ee Waqooyi-Bari, isla markaana waxaan dowladda ugu baaqaynaa xoojinta iyo garab istaagga maamulka Waqooyi-Bari oo dhiig badan u shubay adkaynta wada jirka midnimada dalka.
4. Dhaleecayn ku aaddan Aqoonsi-beeneedka Israel ee qayb ka mid ah Gobollada
Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland):
Waxaan si adag u cambaaraynaynaa, ugana soo horjeednaa, tallaabo kasta oo Israel ay ku sheegto “aqoonsi” ama taageero gooni-u-goosad, gaar ahaan waxa loogu yeeray
“Somaliland,” maadaama ay:
• Ka hor imanayso midnimada iyo wadajirka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
• Xadgudub ku tahay qawaaniinta iyo axdiyada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaannida dalalka.
• Hurineyso kala-qaybsanaan iyo xasillooni-darro siyaasadeed, amni, dhaqaale, mid bulsho iyo mid juquraafi siyaasadeedba (geopolitics).
• Ku dhiirrigalinayso argagixisada in ay xadgudubka Isarail u adeegsan
doonaan danahooda gaarka si ay ugu xoojiyaan joogitaankooda dalka
kuna sii wadaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed
• Sii kordhin karto falalka argagixisada ee Geeska Afrika iyo Marin biyoodka Gacanka Cadmeed.
5. Taageeridda go’aanka Dowladda Federaalka ee burinta dhammaan heshiisyada
lala galay Imaaraatka Carabta (UAE) ka dib markii ay ku xadgudbeen Midnimada, Madax-banaanida dalka, iyo Wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Xadgudubyadaas oo ay ka mid yihiin:
• Faragelin toos ah ee arrimaha wadajirka, madaxbanaanida iyo Qaranimada
Soomaaliyeed
• Faragalinta siyaasadda gudaha iyo mida amni
• Ka shaqeynta aqoonsi-beeneedka Israel ee (Somaliland) oo ah qayb ka mid ah Gobolada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
6. Waxaan si buuxda u bogaadinaynaa Doorashadii qof iyo cod ee Golaha Degaanka
ee ka dhacday Muqdisho, 25 December 2025, taas oo muujisay:
• In doorasho isku tashi ah oo qof iyo cod ah lagu hirgelin karo si nabdoon.
• Is shacabku u dooran karaan hoggaankooda si daahfuran.
• Horumar dhanka dimuqraadiyadda iyo maamul daadejinta ah.
• Awoodda shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin doorasho iyo tartan siyaasadeed.
• Rajo cusub oo ku aaddan xasiloonnida iyo dawladnimo loo dhan yahay.
• Hadaba, haddii ay qabsoomi waydo doorasho qof iyo cod ah sabab kastaa ha keento waxaan soo jeedinaynaa in kuraasta loo soo celiyo beelaha soomaaliyeed sidii dhacday (2012).
Waxaan ku boorrineynaa in doorashooyinka noocan ah la ballaariyo lana gaarsiiyo guud
ahaan degaannada dalka.
7. Waxaan Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ku adkeyneynaa:
• Inay si wadajir ah u ilaaliyaan Madaxbanaanida, Midnimada iyo
Qarannimada Soomaaliyeed
• In kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee gudaha uusan dhaawicin midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed
8. Baaq ku wajahan Madaxda dowlad goboleedyada aan weli ka hadlin kala goynta
dalka Soomaaliyeed.
Annagoo diyaar u ah wixii tabasho ah ee jira inaan xalkeeda ka qayb qaadanno.
Waxaan u soo jeedineynaa in ay:
• Ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
• Ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya madax-bannaanida iyo qarannimada.
• Si dhab ah uga qayb qaataan heshiisyada geeddisocodka dowlad-dhiska ee:
• Doorashooyinka dalka
• Dhammaystirka Dastuurka
• Arrimaha masiiriga ah ee lagu xoojinayo dawladnimada iyo Wadajirka
Soomaaliyeed
Waxaan adkeyneynaa in xilka iyo mas’uuliyadda Qaran ay ka weyn tahay khilaaf kasta
oo siyaasadeed.
9. Baaq ku aaddan shacabka Soomaaliyeed
Ugu dambeyn, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa:
• Midnimo iyo wadajir
• In la ilaaliyo madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya
• In la diido faragelin kasta oo shisheeye iyo isku day kasta oo kala qaybinaya
ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan ugu dambayn si adag ugu celinaynaa: “Soomaaliya waa dal Mideysan, Madax-bannaan, oo aan la kala Qaybin Karin”.
Waxaa Baaqan Soo saaray:
1. Boqor Burhaan Boqor Muuse
2. Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi
3. Suldaan Siciid Maxamed Garaase
4. Suldaan Subeer Xaaji Maxamed
5. Suldaan Maxamed Axmed
6. Ugaas Cumar Geelle kaneec
7. Garaad C/kariim Boqor CaliMahdi
8. Garaad C/risaaq Garaad Soofe
9. Garaad C/laahi Garaad Saleebaan
10. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
11. Garaad C/salaan Xasan Maxamed
12. Garaad C/kariin Cabdi Faarax
13. Suldaan Siciid Cismaan
14. Garaad Mukhtaar Garaad Cali
15.Ugaas Maxamuud Ugaas C/laahi
16. Garaad Saleebaan Buraale
17. Suldaan Ciise Maxamed Ciise
18. Ugaas CabdiJaliil Cali Faarax
19. Suldaan Abshir Axmed Jibriil
20. Suldaan Khaalid Axmed Saalax
21. Suldaan Maxamed Jaamac Baruur
22. Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
23. Suldaan Siciid Guuleed Sanyare
24. Suldaan Maxamed Boqor Deeqow
25. Suldaan Maxamed Xasan Cali Baalle
=XIGASHO SAHAN MEDIA=
