GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in isimada dhaqanka ay soo saareen go’aan uusan ku farxayn Madaxweyne Saciid Dani islamarkaana Dan u ah mucaaradka Puntland.

Isimada Puntland waxay soo saareen  in Xildhibaanada Puntland laga dhigo 49 mudane oo kaliya sidaasna messha looga saaro dhamaan xubnihii ka iman jirey dhanka SSC Khaatumo oo dhawaan shaaciyeen inay yihiin maamul ka  madax banaan Puntland .

Advertisement

“doorarashada waa in lagu  galaa 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee SSC-Khaatumo”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Isimada.

Isimada waxay soo jeediyeen inay is casilaan xubnaha SSC ee ku jira gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland, waxaa kale ay magacaabeen xubno iyaga ka tirsan oo kor joogteyn doona gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Puntland.

Talaabooyinkaan  kuma farxi doono Madaxweyne Saciid Dani oo watay xildhibaano uu u sameeyay Khaatumo sida lagu eedeeyay. Kuwaasoo uu rabay inay cod siiyaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Dowlada Somalia iyo Somaliland oo heshiis gaareen
Next articleMadaxda Dowlada oo ka tacsiyeysay geerida Xildhibaan hore oo maanta la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here