Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa Maanta si rasmi ah u shaaciyay ineysan gabi ahaanba wax shaqo ah ku lahayn arimaha Doorashada Puntland ee 2024.

Odayaashaan ayaa war ay wada jir u soo saareen waxay ku cadeeyeen inaaney joojiyeen  17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada SSC.

Advertisement

“17-ka xildhibaan ee hadda ka tirsan Baarlamanka Puntland ma sii joogi  karaan iyaga laftigooda”ayuu yiri f-hayeenka isimada dhaqanka SSC garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Go’aamadaan adag sababta ay u qaateen ayay ku sheegeen inay dhisteen Maamul Goboleed ka madax banaan Puntland sidaas daraadeed aysan wax shaqo ku lahayn maamul kale.

Ismida SSC Qaatumo waxay ugu baaqeen xubnaha dhankooda ah ee ku jira gudiga Khilaafaadka inay is casilaan oo ka soo dhamaadaan Maamulka Puntland madaama ay laba maamul kala noqdeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleTaliyaha Ciidamada Xoogga oo sharaxay tirada Alshabaab looga dilay howlgalkii diyaarada ay fulisay
Next articleDooni Ganacsi oo mar kale laga qafaashay xeebaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here