Garowe (dayniiile.com)-Kulan Xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa guuleystay kaasoo u dhexeeyay Madaxweyne Saciid Dani iyo Ismimada SSC Qaatumo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ayaa ka aqbalay Ismida reer Qaatumo inay dhex dhexaadin ka galaan muranka doorashooyinka Puntland ee kala dhexeeya mucaaradkiisa madaaama ay isku hayaan habka loo qabanaayo iyo shaki ah inuu mudo kororsi sameysanayo.

Advertisement

Isimada SSC Qaatumo ayaa sidoo kale  maanta waxaa lagu wadaa inay la kulmaan Mucaaradka Puntland si ay u weydiistaan inay aqbalaan iyaguna dhex dhexaadinta.

Kulankaasi oo ay u badan tahay inay aqbalaan dhex dhexaadinta ayaa dhanka kale waxaa macquula inay arinta ku adkaato ismida marka wada xaajoodku  bilowdo madaama mowqifyo adag la kala taagan yahay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSomaliland oo ku hanjabtay inay talaabo qaadi doonaan
Next articleDagaal Saaka mar kale ka dhex qarxay Qaatumo iyo Somalialnd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here