Isimmada Gobolka Bari ayaa kulan gaar ah ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso waxay ugu baaqeen dhamaan isimada Puntland inay shir degdeg ah isugu yimaadaam si reer Puntland uga tashtaan isbadalka ku yimid sida ay sheegeen heshiskii lagu wada dhistay Puntland 1998-kii.
Isimadaan ayaa si cad u sheegay in madaama rer Sool,iyo Sanaag ka goosteen Puntland islamarkaana sameysteen maamul Goboleedka Waqooyi bari ay tahay inay iyagu aayahooda ka wada hadlan sidii ay u dhisan lahaayeen Puntland cusub madaama dasturkii iyo heshiiskii Puntland lagu dhisay uu ku yimid isbadal.
”Waxaan soo jeedinaynaa in shirwayne dag dag ay is kugu yimmadaan isimada dhaqanka Puntland,madaama is badal ku yimid Puntland lawada dhistay 1998-dii” ayay ku dhaheen warmurtiyeed ay isla soo saareen Isimada Gobolka Bari
Haddaba halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka Isimada Gobolka Bari oo sidiisa u qoran:-

