Ceeri-gaabo (dayniiile.com)- Wararka laga helaayo Magaalada Ceeri-gaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamada Maamulka Somaliland.
Maleeshiyaadka ayaa doonayay inay xoog ku sii daayaan maxaabiis xabsiga Ceeri-gaao ku jirtay balse waxaa ka hortagay ciidamadii Booliiska ee ilaalada ka ahaa saldhiga.
Advertisement
Rasaasta oo qadar daqiiqado ah socotay ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen 4 ruux oo shacab iyo qeybihii dagaalamayay isugu jira.
Masuuliyiinta Somaliland ee Ceerigaabo ku sugan wali wax wax faahfaahin kaba bixin iska horimaadkaasi u dhexeeyay maleeshiyaadka hubneysan iyo ciidamada Booliiska Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM