GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay maanta ku dagaalameen duleedka Magaalada Garowe,waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Iska hor imaadkaan oo ka dhashay muran dhuleed waxaa ku dhintay 2 ruux oo ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalku ka dhaxeeyay , ciidamada amaanka Puntland ayaa markaa kadib gaaray xili ay isku dayayaan inay xaliyaan waxa keenay dagaalka.
Sidoo kale Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninkii ka danbeeyay dilka labada ruux,waxaana lagu wadaa in dhawaan sharciga la hor keeno si loogu qaado ciqaabta uu mudan yahay.
Maamulka Puntland ayaa la soo sheegayaa inay ku adkaatay xalinta khilaafaadka is heysadka dhanka dhulka ee ku soo noqnoqday duleedka Magaalada Garoowe iyadoo horana sidaan oo kale la isugu gacan qaay arimo ku saabsan muranka dhanka dhulka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
