BOOCAME (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in galabta uu iska hor imaad waqti kooban socday uu dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Waqooyi Bari kaasoo si gaar ah uga dhacay degmada Boocame.
War durba ka soo baxay Maamulka Waqooyi bari ayay ku eedeeyeen Puntland inay masuul ka yihiin dagaalka kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Degmada Boocame ee gobolka Sool ,lamana oga sida ay Puntland uga jawaabi doonaan eedeymahaani.
Warka ka soo baxay dhanka Waqooyi bari waxaa sidoo kale lagu sheegay in iska hor imaadka galabta uu sababay dhaawacyo mana aysan xusin wax dhimasho ah, Waqooyi Bari waxay si gaar ah ugu eedeeyeen dagaalka inay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Puntland ay weerarka soo qaadeen.
Maamulka Puntland oo diidan jiritaanka maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa dhawaan waxay hor istaageen doorashooyinka qof iyo cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban rabtay degmada Boocame oo 70 km u jirta magaalada Garowe.
Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Boocame Mahdi Rashaad oo si kooban uga hadlay iska hor imaadka galabta ayaa sheegay ujeedku yahay in amniga Magaaladaani qalqal la geliyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
