Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka SSC Khaatumo ayaa Saaka la soo sheegayaa inay ku dagaalameen deegaan dhaca duleedka Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Inkastoo aaney masuuliyiintu ka hadlin hadana wararka la helayo ayaa sheegaya inay maleeshiyaadku isku qabteen gaari dagaal nuuca qoriga Zuu-ga loo yaqaan oo hore ay uga furteen Maamulka Somaliland.

Advertisement

Iska hor imaadkaan oo qadar daqiiqado ah socday ayay labada koox isu adeegsaden hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo khasaare nafeeedna uu jiro walow uu dhaawacyo u badan yahay.

Magaalada Laas-caanood waxaa laga soo sheegayaa in laga dareemay dagaalkaasi oo labada koox midba ku dagaalamayo inuu la wareego gaariga Zuuga ah.

Odayaal waan waan ka dhex bilaabay xili rasaasstu istaagtay ayaan wali xabad joojin rasmi ah iyo heshiis kala dhex dhigin labada koox oo hadii aan xal rasmi loo keenin dagaalku mar kale dhex mari karo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaaamulka Somaliland oo xabsiga ka sii daayay Wariyayaal ka tirsan MMTV
Next articleTaajkii Dameerka iyo Heshiiskii Adis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here