Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh iskaashi buuxa oo waqtigaan meeshii ugu fiicnayd mareysa taasoo aad looga dareemay warbaahinta waqtiyadaan danbe.

Laba xubnood oo muhiim u ahaa irdoonka Dowlada Soomaaliya ee NISA ayaa asbuucii ugu danbeysay waxaa gacanta usoo galiyay Sirdoonka Kenya ee NIS.

Advertisement

Labadaan xubnood oo kala ah Sakariye Kamaal Aba-Sheekh oo ku eedeysnaa inuu markab agab Milatari sida uu Muqdisho uga soo dejiyay Alshabaab ayna qabteen NISA  ka hor inta aan Alshabaab la gaarsiin inkastoo qoyskiisu beeniyeen.

Sidoo kale waxaa shalay gacanta NISA la soo geliyay Afar xaasle Taakeeye ninka lagu magacaabo kaasoo Alshabaab afka ka taageeray cadeeyayna inuu isku fikir yihiin.

Taakeye iyo Sakariye Aba-sheekh labadaba waxay ku sugnaayeen Kenya waxaana wada xiriiray labada sirdoon taasoo sahashay inay gacanta Dowlada Soomaaliya soo galaan.

Sanado badan ka hor  xiligii hore ee Madaxweyne Xasan wariye Xanafi oo isna ku eedeysnaa inuu dilay wariyayaal badan ayaa sidaas oo kale Kenya laga soo qabtay waxaana lagu toogtay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Sirdoonka Soomaaliya ayaa hore shacab iyo Askar iyo dad hay’ado u shaqeeya oo kenya laga soo afduubtay waxay ku wareejiyeen sirdoonka Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleKenya oo wali sii wada duqeymaha Gobolka Geddo
Next articleDowlada oo soo bandhigtay magacyada tirada Alshabaab-ka la dilay la dhaawacay iyo kuwa isasoo dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here