Advertisement

Advertisement

Warbaahinta caalamka ayaa mar qura waxaa qabsaday sida naxariista leh ee uu Imaam Waliid Mihsaas ula macaamilay Mukulaal dushiisa soo fuushay, isagoo Salaadda tukinaya Masjid ku yaala dalka Ajeeriya. Waxay suurad qurxoon ka bixisay wanaaga Islaamka iyo Imaamka oo sanadahan danbe sawir fool xun laga bixinayey, kaasoo in badan oo magac Islaam sheeganaya sabab u ahaayeen.

Waxaad mooddaa in ay isku soo aadeen naxariista uu Mukulaasha u muujiyey iyo Aayadda naxariista ka hadlaysa ee uu aqrinayey, {فقل ربكم ذو رحمة واسعة}.

Bisadu qudheeda Aayadda ayey u khushuucday oo Imaamkii dhunkatay.

Maadaama kooxo magac Islaam sheeganaya ay Diintii suurad xumeeyeen, Islaamkana cadawgiisii u loogeen, gaar ahaana anagana oo ay sanadahii danbe qarax, qaarajis, argagexin, dhac iyo furasho nagu hayeen, waxaan waynay naxariistii, turiddii, kalgacalkii, dhimrintii, damqashadii, daryeelkii, dulqaadkii, ixtiraamkii, xushmayntii iyo xishoodkii Islaamku na farayey.

Hal mar ayey muslimiinta iyagoo is ogayn isla yiraahdeen

“Islaamkeennu waa kan Imaam Waliid”.

W/Q: Siyaasi Abdirahman Abdishakur Warsame.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here