HomeWarkiiIsraa'iil maxay ka tiri ku xad-gudubkeeda heshiiskii xabad joojinta

Israa’iil maxay ka tiri ku xad-gudubkeeda heshiiskii xabad joojinta

QAZA (DAYNIILE.COM)-Hogaanka ciidamada Israa’iil ayaa ka hadlay duqeymihii shalay ay ka fuliyeen marinka Qaza xili dhawaan heshiis laga gaaray dagaalka islamarkaana Madaxweynaha Mareykanka uu dunida hortooda ku saxiixay heshiskaasi isagoo wakiil ka ahaa Israa’iil.

Israa’iil waxay sheegtay inay dib u soo celin doonaan fulinta xabbad-joojinta, waxay tilmaameen in weerarkoodii shalay uu jawaab u ahaa kaliya khalad ay sheegeen inay Xamaas ka galeen heshiiska xabad joojinta markii weerar kaga yimid Xamaas ay kaga dhinteen laba askari xili taangiyadooda lagu weeraray Rafax.

Israa’iil waxay shaaciyeen in dhimashada labadooda askari ay timid kadib markii dagaal-yahanada Xamaas ay ku weerareen gantaalada lidiga ku ah taangiyada ciidamo ka tirsan kuwa Israa’iil oo marayay Ra Rafax sidaas daraadeedna caradii ay ka qaadeen ay keentay duqeymaha.

Dhanka kale Masuuliyiinta Xamaas ayaa iyagana laga soo xigtay inaysan ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay aagga ay Israa’iil maamusho,sidoo kale xamaas waxay xuseen inay iyagu ka go’an tahay inay qaataan xabad joojinta laakiin ay ka digayaan in israa’iil jabiso heshiiska taasoo keeni doonta in gabi ahaanba dagaaladu soo laataan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -