DOXA (DAYNIILE.COM)-IsraIl ayaa marki ugu horeesay maanta waxay duqeesay Magaalada Doxa ee Caasimada Dalka Qadar halkaas oo ay u bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan dagaal yahanada Xamaas ee Dalka Falastiin
Wararka ayaa tilmaamaya in 8 ilaa 10 qarax laga maqlay Doxa kuwaasoo dhamaantood ah gantaalo ay Israa’iil ku garaacday Magaaladaani caasimada u ah Qatar.
Israa’iil oo si degdeg ah uga hadashay ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaani waxayna xuseen inay ku bartilmaameedsadeen saraakiisha Xamaas ugu qaabilsan wada-hadalada u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.
Weerarkaani oo loo maleynayo inay ku dhinteen dhamaan saraakiisha Xamaas iyo dadka qadar u dhashay ee la joogay ayaan wali cadeyn laga heyn madaama Dowlada Qatar wali sharaxaad ka bixin khasaraha ka dhashay.
Weerarkaani Xamaas lagu weeraray waxay ku soo aadeysa xili maalmihii ugu danbeeyay Trumo ugu hanjabayay Xamaas inay ogolaato wada hadalada isagana baxaan Qaza balse Xamaas ayaa sheegtay inay wada hadal ogoshahay balse aysan dalkooda uga baxeyn caddowgooda.
Dunida ayaa u muuqata inay xaalad adag sii geleyso madaama Mareykanku ka danbeeyo weerarkaani isagoo si toos ah ula safan Israa’iil islamarkaana doonaya in reer Falastiin dhulkooda ay la wareegaan Yuhuuda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

