HomeWarkiiIsraa'iil oo duqeysay dekedaha Xudeydah

Israa’iil oo duqeysay dekedaha Xudeydah

Milateriga Israa’iil ayaa duqeeyay saddex dekedood iyo warshad koronto oo ku taalla deegaannada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, taasoo keentay in fallaagada ay gantaallo badan ku ridaan dhulka Israa’iil.

Milatariga Israel ayaa sheegay Axadii in ay duqeeyeen dekedaha Xudeydah, Ras-Ciise iyo as-Salif ee xeebaha badda cas iyo sidoo kale warshada korontada ee Ras Kathib.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ku dhufatay nidaamka Raadaarka markabka Hogaamiye Galaxy, kaas oo ay qabteen Xuuthiyiinta, welina uu ku xiran yahay dekedda Xudeydah.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha, Weerarada Israa’iil ay qaadeen gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee Yemen ka dhaca muddo bil ku dhow, waxayna yimaaddeen ka dib markii ay milaterigu sheegeen in ay ka hortageen gantaal ay Xuutiyiintu soo rideen saacadihii hore ee maanta.

Kooxda fallaagada ah, ee maamusha deegaannada ugu dadka badan Yemen, ayaa ka jawaabay weerarradii ugu dambeeyay ee Israa’iil, iyagoo gantaallo badan ku garaacay Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in labo gantaal laga soo riday Yemen, waxayna sheegeen in ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaallada. Weerarku wuxuu dhacay seeraha magaalooyinka Yeruusaalem, Xebroon iyo Badda Dhimatay.

Adeegga degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in aysan jirin warbixino ku saabsan dhaawac ama saameyn ka dhashay gantaallada xili lagu yaqaan inay khasaarahooda qariyaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

men at a protest with a palestinian flag

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -