Weerarrada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa dilay ugu yaraan 14 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaranka ee dalka (NNA), in kasta oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyay “xabad joojin”.
Degmada Jebchit, saddex qof ayaa ku dhintay, 7 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu burburiyay dhismo ay daganaayeen. Weerarka gooni u goosadka ah ayaa dilay afar xubnood oo hal qoys ah, oo uu ku jiro ilmo. Degmada Toul, ayaa waxaa ku dhintay afar qof, halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.
Goor dambe oo Khamiis ah, weerar kale oo Israa’iili ah ayaa ku dhacay guri ku yaal Toul, halkaas oo uu ku dilay hal qof laba kalena waa ku dhaawacmeen. Degmada Harouf, ayaa waxaa lagu dilay labo ruux, iyadoo sidoo kale weerarka uu burburiyay guri.
Ciidamada Israel ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan koonfurta Lubnaan, iyadoo madaafiicda laga soo sheegayo magaalooyinka Zawtar al-Sharqiyah,Yomor al-Shaqif, iyo Bayt al-sayyad.
24-kii saac ee la soo dhaafay, weerarrada cirka ee Israa’iil waxaa lagu dilay in ka badan 20 qof, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan laba qoys, laba askari oo ka tirsan ciidamada Lubnaan iyo saddex ka mid ah shaqaalaha caafimaadka. In ka badan 70 kale oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay weerarradaas.
Ciidanka Israa’iil ayaa sidoo kale soo saaray hanjabaado barakicin ah oo dheeraad ah 15 magaalo iyo tuulooyin koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan Jebchit, Toul, al-Samanieh, Sahel al-Hnieh, Qlailah, Wadi Jilo, al-Kanisa, Kafr Jouz, Majdal Zoun, iyo Seddiqine.
Weerarada ayaa kusoo beegmaya xilli uu Maraykanku dhexdhexaadinayo ku meel gaar ah “xabad joojin” ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Lubnaan kaas oo dhaqan galay 17-kii Abriil.
“Cadaadiska waa in lagu sameeyaa Israa’iil si loo hubiyo in ay ixtiraamto sharciyada caalamiga ah iyo heshiisyada waxayna joojisaa beegsiga rayidka, shaqaalaha caafimaadka, difaaca rayidka, iyo caafimaadka bani’aadamnimada iyo ururada gargaarka,” ayuu ku daray madaxweynaha Lubnaan.
Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri ayaa ku baaqay “in si degdeg ah loo sameeyo guddi xaqiiqo raadin caalami ah oo ku saabsan dembiyada qabsashada Israa’iil”.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
