Gaza (dayniiile.com)-Ciidamada Israa’ii ayaa si weyn ugu fashilmay sedex ujeedo oo markii horaba ahaa sababtii ay sheegeen inay u weerareen isbitaalka Gaza ku yaal ee Alshifa.

Ciidamada ayaa markii ay galeen isbitaalka waxay durba ku bilaabeen shacabka inay rasaas ku kala eryaan kuna argagax geliyaan taasoo markiiba sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Raasaasta ay dadka shacabka ku laayeen kadib waxay bilabeen inay baaaraan isbitaalka iyagoo ka bilaabay dhanka gargaarka degdega.

Hadaba sedexda Ujeedo ay markii horaba sii shaaciyeen ayaa kala ahaa in Isbitaalka uu yahay xarun Milatari ee uusan ahayn xarun Caafimaad taasna ugu horeyn waa ku beenowday.

Qodobka labaad ayay ku sheegeen in Isbitaalka uu yahay halka kaliya ee lagu hayo dadkii Yuhuuda ahaa ee Xamaas soo afduubatay iyadana way beenowday.

qodobka sedexaad ayaa ah in gododka ay ku dhuuntaan Xamaas afafkooda uu yahay Isbitaalka Al-shifa iyadana waa beenowday.

Waraahinta Yuhuuda ayaa ugu danbeyn cadeeyay in dhamaan eedeymihii isbitaalka loo jeediyay ay beenowday islamarkaana la waayay wax raad ah oo muujinaya in Isbitaalka uu gabaad u ahaa dagaal yahanada Xamaas.

Ciidamada Yuhuuda ayaa dhamaan wixii rag ah ka soo saaray isbitaalka inkastoo wax kasta fashil ku dhamadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here