
QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa dib u bilaabay gantaalo inay la dhacaan shacabkii dhawaan ku soo laabtay marinka Qaza xili dhawaan heshiis xabad joojin lagu kala saxiixday dalka Masar magaaladisa dalxiiska ee Sharma-Sheekh.
Yuhuuda ayaa mar marsiyo waxay ka dhiganayaan in Xamaas ay jabisay heshiiskii xabad joojinta kadib duulaan ay ku qaadeen ciidamadooda maalinimadii shalay ahayd sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz,sidoo kale wasiirka wuxuu ku eedeeyay Xamaas inayu jabiyeen shuruudaha soo celinta maydadka la haystayaasha dhintay ee Yuhuuda ahaa.
Gantaalada Israa’iil ayaa ku dhacay Xaafadaha Beit Lahia, al-Bureij, Nuseirat iyo Khan Younis gaar ahaan guryaha iyo isluulada waxaana ku dhintay shacab badan oo gaaraya ilaa 20 ruux sida reer Qaza ay Saxaafadu tabisay.
Dhanka kale Xamaas oo sheegashada Israa’il ka hadleen ayaa si weyn u beeniyay weerarka ay sheegayaan,waxayna adkeeyeen inay diyaar u yihiin fulinta heshiiskii la gaaray islamarkaana ay ku taagan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
