War ka soo baxay Milatariga Israa’iil looga hadlay weeraro  xooggan oo ay dhibsadeen kaasoo kaga imaanaya dhanka Dagaalyahanada Dalka Lubnaan ka dhisan ee Xisbulllaah.

Israa’iil waxay ka digeysaa inay dagaal labaad la geli doonto Ururka Xisbullaah kadib dagaalka ku furan ee ay xamaas kula jiraan.

Advertisement

Duqeymihii ugu cuslaa bilahaan danbe ayay Yuhuudu kala kulmayaan Ururka Xisbulllaah shalay iyo maanta, Dagaalyahanada waxay saldhigyada Israa’iil ku ridayaan gantaalo iyo weerar ay u adeegasanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Tan iyo 7-dii bishii Oktoobar oo Dagaalka Gaza uu bilowday waxay Xisbullaah ku dadaalayeen weeraro ay is leeyihiin reer Gaza xoogga culeyska kaga qaada uguna hiiliya halka Israa’iilna intaas ku booteyneyso inay laba dagaal mar kaliya la geli karto Xamaas iyo Xisbullaah hadii aan la joojin dagaalka dhanka koonfurta Lubnaan kaga imaanaya

Si kastaba dadka dagaalada ka ka faalooda ayaa aaminsan in weerarada Xisbullaah ay sababi karaan in dagaalka Gaza uu balaarto iskuna badalo mid ku faafa dalalka bariga dhexe.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQaar ka mida TV-yada Somalida oo dhaliil u jeediyay Madaxtoyada
Next articleAbu Cubeyda “Ma jiro wax heshiis ah ilaa iyo inta  Israa’iil joojineyso dulmiga ay ku heyso Gaza”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here