HomeWarkiiIsraa'iil oo Saaka aroortii weerar culus ku qaaday Iiran, kuna dishay Saraakiil...

Israa’iil oo Saaka aroortii weerar culus ku qaaday Iiran, kuna dishay Saraakiil sar sare

Iran Mideast WarsTEHRAN (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka Isra’il ayaa saaka weerar culus oo xaga cirka ah waxay ku qaadeen xarumo milateri xili ay ku dileen saraakil sar sare oo ka tirsan milateriga Iiran sida Taliyihii guud ee ciidamada Iiran.

Weerarkaani oo Isaraa’iil ugu magac dartayHowlgalkii Libaaxa toosay waxaa uu dhabar jab ku yahay sirdoonka Iiran oo ogaan waayay weerar sidaas u culus,diyaarado iyo gantaalo caasimadooda ku soo wajahan,sidoo kale waxaa fadeexad la kulmay nidaamka difaaca Dalka Iiran.

 Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee Israa’iil ka lahayd weerarkaani inay ku fashilantay taasoo ahayd inay burburiso xarunta Nuyukleerka Iiran oo la sheego inuu ku yaal dhul hoostiis dhul buuraley ah oo sive-na ah.

Saraakiisha sar sare ee Iiran looga dilay weerarkaani islamarkaana ay qirteen ayaa waxay kala yihiin:-

1-Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah Hossein Salami

2-Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya Gholamali Rashid

3-Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada Fereydoon Abbasi.

4-Saynishan cilmiga Nukleerka Mohammad Mahdi Tehranchi

5-Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran Mohammad Bagheri.

sidoo kale waxaa dhaawac loo geystey  Sarkaal Lataliye sare u ahaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran kaasoo lagu magacaabo Cali Shamkhani

Si kastaba Iiran ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto weerar aargudahso ah oo culus una qalma kan lagu soo qaaday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of fire, oil refinery and lightningMay be an image of 1 personMay be an image of 9 people, fire, ambulance and textMay be an image of fire, oil refinery and fogMay be an image of skyscraper and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -