Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil ‘ay diyaar u tahay in ay tallaabo ka qaado’ Xuutiyiinta Yeman.

Shir jaraa’id uu qabtay Yoav Gallant ayuu ku  sheegay in ka hor inta aysan Israa’iil ka jawaabin kooxda fadhigeedu yahay Yemen in ay marka hore fursad siinayaan adduunka.

Advertisement

Xuutiyiinta ayaa hore wacad ugu maray in ay weerari doonaan markab ganacsi oo u socda ama ka imaanaya Israa’iil,wayna weerareen maalmo ka hor markad Yuhuudu leedahay kaasoo ay dhibaato gaarsiiyeen.

Sidoo kale Mareykanka oo mar kasta garab u ah Yuhuuda  ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso inay weerarto kooxdan, si ay uga jawaabto beegsiga maraakiibta.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWarbaahinta Aljazeera oo shaacisay inay Maxkamada Danbiyada u gubbinayaan kiiska sawir qaade looga dilay Gaza
Next articleDAAWO: Qiso kala qabsatay Maamulka Somaliland iyo Dowlada Somalia kadib taleefoon laga wacay Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here