In ka badan 500 oo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Xamaas uu billowday 7-dii October, sida ay sheegeen milateriga Israa’iil.

Advertisement

Waxa ay intaa ku dareen in in ka badan 160 askari oo IDF ah la dilay tan iyo markii ay duulaanka dhulka ee gudaha Gaza bilowday dabayaaqadii October.

Ilaa 900 oo askari ayaa la dhaawacay tan iyo markii howlgalkaas uu billowday – iyadoo ciidamadu ay dagaal dhow la galeen dagaalyahannada Xamaas.

Israa’iil ayaa sheegtay in aysan joojin doonin ololaha aargoosiga ah ee ay ka waddo Qaza ilaa ay burburiso Xamaas.

Ugu yaraan 1,200 oo qof ayaa la dilay markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar, qiyaastii 240 kalena waa la qafaashay.

 

Previous articleXaaska madaxweyne Museveni oo lagfa helay xanuunka Covid-19
Next articleDEG DEG: Dowlada Somalia iyo Somaliland oo heshiis gaareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here