HomeWarkiiIsraa'iil oo xasuuqday shacab ka badan boqol ruux oo reer Gaza ah...

Israa’iil oo xasuuqday shacab ka badan boqol ruux oo reer Gaza ah 24-kii saac u dambeeyay

QAZA (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa ilaa 101 falastiiniyiin ah ku dishay Gaza tan iyo2-kii kuwaas oo 51 ka mid ah ay sugayeen gargaar.

Baaritaanka Aljazeera ayaa muujinaya in Falastiiniyiinta laga saaray 83.5 boqolkiiba koonfurta magaalada Qaza ee Khan Younis oo ay fulinayaan ciidamada Israel amarada barakicinta tan iyo 18-kii Maarso.

Francesca Albanese, oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin, ayaa ugu baaqday dalalka inay soo rogaan cunaqabatayn buuxda oo dhanka hubka ah, isla markaana ay jaraan xidhiidhka ganacsi iyo dhaqaale ee ay la leeyihiin Israel, oo ay ku eedaysay inay xasuuq ka wado Gaza.

Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay inay daraaseynayso hindise cusub oo xabbad joojin ku meel gaar ah laga sameeyo Gaza, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Israa’iil ay ogolaatay xabbad joojin 60 maalmood ah.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 57,130 qof, waxaana ku dhaawacmay 134,592, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMLIVE: Israel kills more than 100 in Gaza today, 51 who were waiting for aid  | Gaza News | Al Jazeera

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -