Israel ayaa ka mamnuucday wasiirka Arrimaha Dibadda ee Falastiin, Riyad Maliki inuu ka baxo Daanta Galbeed ee la haysto kadib markii Israel ku wargelisay wasiirka in ay kala noqday sharcigii uu ku safri jiray.

Sida aad ogtihiin Israel waxay saraakiisha sare ee Falastiin siisaa sharci socdaal oo ay uga bixi karaan dhulka la haysto ee Falastiin, kuna soo gali karaan xitaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas waa haystaa.

31-kii December 2022, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Maxkamadda ICJ u diray codsi ah in ay talo bixin sharci ka soo saarto qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.

Qaraarka ka soo talo bixinta qabsashada Israel ee dhulka Falastiin, ayaa waxaa taageeray 87 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaa diiday 26 dal oo ay jiraan Ingiriiska, Maraykanka, Austria, Jarmalka, Australia, Talyaaniga, Canada iyo dalal kale, waxaana ka aamusay 53 dal oo ay ku jiraan Faransiiska Sweden, Spain, Finland, Denmark, Netherlands iyo dalal kale.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands, waxay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay u qaabilsan tahay xallinta khilaafaadka u dhexeeya Waddamada adduunka, balse Maxkamadu awood uma laha in ay fuliso Xukunkeeda, mana laha ciidan gaar ah oo u fuliya, inkastoo ay saameeyn weyn ku leedahay ra’yiga caalamiga ah.

Hadda Kursigii Ra’iisul Wasaaraha Israel, waxaa mar kale ku soo laabtay Benjamin Netanyahu oo ka socda xisbiga midigta-fog, isagoo soo aruursaday wasiiro wada midigta-fog ah.

Benjamin Netanyahu, wuxuu maalintii Jimcaha bilaabay tillaabooyinka lagu cunaqabateynayo Falastiiniyiinta, si uu uga aargoosto, isagoo leh Maxaad noogu dacwayseen Maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here