HomeWarkiiIsra'iil oo duqeysay maqaaxi caan ka ah marinka Gaza iyo dad badan...

Isra’iil oo duqeysay maqaaxi caan ka ah marinka Gaza iyo dad badan oo ku dhintay

Palestinians inspect the site of an Israeli airstrike on Al-Baqa cafeteria, according to Gaza's health ministry, in western Gaza City, June 30, 2025. REUTERS/Mahmoud Issa TPX IMAGES OF THE DAYGAZA (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay duqeysay goobo badan oo ka mid ah Gaza kuwaasoo u badan meelaha shacabku isugu yimaado sida meelaha raashinka gar-gaarka lagu bixiyo, maqaayadaha lagu qaxweeyo, iskuullada iyo isbitaalo.

Warbaahinta Dunida ayaa si gaar ah waxay u hadal hayaan saacadihii ugu dambeeyay duqeyn Yuhuudu u geysatay maqaaxi lagu qaxweeyo oo xeebaha Gaza halkaasoo ay u badan yihiin wariyayaasha waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.

Ugu yaraan 39 ruux ayaa ku dhintay goobtaan caanka ah ee lagu qaxweeyo taasoo ku taal xeebta waqooyiga magaalada Gaza, waxaana maqaaxida lagu magacaabaa Al-Baqa.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Wariye Ismaaciil Abuu Xataab iyo dad kale oo shacab ah kuwaasoo iska qaxweynayay diyaaradaha dagaalka Israel ay fuliyeen weerarkaasi.

“Waxaan helnay dad kala go’ay,Meeshan cidna lama xidhiidhin – siyaasad iyo urur ciidan midna si kastaba ha ahaatee, waxaa ka buuxay dad ay ku jiraan carruur oo xaflad dhalasho” ayuu yiri Yahya Sharif. “.”

Duqeynta ayaa dhulka la simay maqaaxida, waxaana muuqanaya god weyn marka la eego gantaaladii ku soo dhacay maqaaxida caanka ah.

Hani Mahmoud oo ka tirsan Al Jazeera, oo ka soo waramaysa magaalada Gaza, ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday maqaaxida uu u dhacay digniin ah la’aan

Sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa weerar xagga cirka ah ku qaaday bakhaar cunto qaybin ah oo ku yaalla xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 13 qof oo doonayay inay cunto helaan.

SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Israa'iil

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -