HomeWarkiiIsra'iil oo goor dhaw duqeysay Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya

Isra’iil oo goor dhaw duqeysay Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya

DIMISHIQ (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday wasaaradda difaaca ee Suuriya iyo meel u dhow madaxtooyada caasimadda Dimishiq, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan saddex, 34 kalena way ku dhaawacmeen.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarada, haddii aan ciidamada dowladda Suuriya laga saarin koonfurta dalkaasi oo ay ku dagaalameen Druze iyo ciidamada ammaanka.

Bartilmaameedka Israa’iil ay duqeysay waxaa laga xusi karaa wasaaradda difaaca Suuriya iyo xarunta Madaxtooyada dalkaasi,ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowlada Suuriya.
Warar ku dhaw dhaw ciidamad millatariga Yuhuuda ayaa sheegaya inay isku diyaarinayaan howlgal ama weerar oo muddo socon kara xili ciidamo Turki ahna ay dhinac ka joogaan dalka Suuriya waxaana macquul ah inay isku dhacaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLIVE: Israel attacks Syria’s Damascus amid fighting in Suwayda
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -