HomeWarkiiIsra'iil oo goor dhaw weerar culus ku qaaday Magaala ku taal marinka...

Isra’iil oo goor dhaw weerar culus ku qaaday Magaala ku taal marinka Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa la soo sheegayaa inay goor dhaw oo maanta weerar culus oo cir iyo dhul ah ku qaadeen Magaalada Deir al-Balax oo ka tirsan dhulka marina Qasa oo awalba ay dhibaato joogta ah ku hayeen,waxaana la hadal hayaa inay qeyb ka tahay barikicintooda sahacabka.

Weerarkaani waxaa ka dhashay barakac hor leh taasoo ahayd ujeedka markii horaba Yuhuudu ka lahayd weerarkooda,xili magaaladaani ay isugu yimaadeen dad hore uga soo barakacay Rafax iyo Khan Yoonis oo Qaza ka tirsan.

Warbaahinta Caalamiga ah sida BBC-da iyo Aljazeera ayaa tabinaya in taangiyada Israa’iil lagu duqeynayo shacabka Magaalada Deir al-Balax si loo xasuuqo loona barakiciyo xili aduunkii oo dhan uu iska daawanayo bini’aadanimo ka baxa iyo cadaawada Yuhuudu u qabto muslimiinta Falastiin.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa Gaza laga soo tabiyay wiil 27 jir ah oo macaluusha baahida iyo oonka ka jira Gaza darteed u geeriyooday isagoo wajigiisa uu isku badalay odey waayeel ah oo kale.

Sidoo kale saacadihii ugu dambeeyay waxaa Qaza laga soo wariyay in hal goob lagu dilay 67 ruux oo saf ugu jirey raashin gar gaar ahaan loo siinayay balse ciidamada Israa’iil ayaa xasuuqay.

XAFIISKA WARARKA SYAASADA 
DAYNIILE.COMMudaaharaadyo cadaadis lagu saarayo Netanyahu oo ka dhacay Talaabiib, Bog 2  of 7 - BBC News Somali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -