Tala Aviv (dayniiile.com)-Sida lagu baahiyay warbaahinta Israa’iil waxaa si qaldan gantaalo taangi ka dhacay uu ugu dhacay goob ciidamada Masar ka jogaan xadka labada dal.

Gantaalada ka soo dhacay Taangiga Israa’iil waxa ku dhaawacmay dhor askari oo dalka Masar u dhashay sidoo kale waxaa ku burburay qalab isgaarsiin oo ciidamada Milatariga Masar lahaayeen.

Advertisement

Isra’iil waxay u dirtay dowlada Masar raali gelin ku aadan dhibaatadaasi gaartay ciidamada Masar iyagoona ku tilmaamay qalad farsmo isla markaana aysan ahayn wax ku tala gal loo sameeyay.

Dowlada Masar dhankooda inkastoo aan laga warheyn inay si rasmi ah u qaateen raali gelinta hadana way aqoonsadeen in madaafiicdaasi si shil ah ugu soo dhaceen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Kenya oo sheegay ineysan waxba ka jirin saadaasha Roobabka laga bixiyay
Next articleMombasa oo lagu qabtay isu soo bax lagu taageersan yahay Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here