
BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Beirut ayaa lagu dilay taliyihii ugu sarreeyay ee militariga Hezbollah, Haytham Ali Tabatabai iyo sidoo kale afar qof oo kale.
Maxmuud Qmati oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka gudubtay “khadka cas” isla markaana hoggaanka kooxdu uu ka fiirsanayo in ay ka jawaabi doonaan iyo in kale.
Waxaa magaalada Qaza ka socda aas loo sameynayo falastiiniyiintii lagu dilay werarada Israa’iil inkastoo ay jirto xabad joojin. Ugu yaraan afar qof ayaa maanta lagu dilay Qaza.
Wafdi ka socda Xamaas ayaa magaalada Qaahira kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Masar si ay ugala hadlaan arrimaha ku saabsan heshiiska xabad joojinta ee Gaza ee ay la galeen Israa’iil.
Dagaalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 69,733 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 170,863 tan iyo October 2023. Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray October 7, 2023, weerarada ay Xamaas hogaaminayso iyo ilaa 200 oo maxaabiis ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
