Ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan 73 falastiiniyiin ah ku dilay weerarro ka dhacay Gaza Talaadadii, iyadoo labo kale oo Falastiini ah sida wiil lix jir ah iyo nin 30 jir ah ay u dhinteen gaajo sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Sidoo kale Mudaaharaadyada ayaa weli ka socda caalamka oo dhan oo looga soo horjeedo dilka qorsheysan ee Israa’iil ay ku dishay afar wariye oo ka tirsan Aljazeera iyo laba madax-bannaani oo lagu dilay Gaza.
Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa heshiis xabbad joojin ah, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo qorshaheeda ay ku qabsanayso magaalada Gaza, si qasab ah ku barakiciso ku dhawaad 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ay u riixdo aagagga xoogga lagu hayo oo ka sii fog koonfurta.
Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxa ku dhintay isu geyn ugu yaraan 61,599 qof, waxaana ku dhaawacmay 154,088. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
